November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Faahfaahin la soo bandhigey cida ka dambeysa qaraxii diyaaradii Daalo: ARAG

Iyadoo shalay ay dawlada Somaliya soo saartey warkii laga wada naxay ee argagixisada shabaab ku rabtey in ay ku khaarajiso dad rakaab ah oo saarnaa diyaaradii Daalo ayaa hadda waxa soo baxaya faahfaahin cida loo haysto iyo sida ay wax u dhaceen.

Warar dheeraad ah oo goordhow aynu helnay ayaa sheegaya in Qaraxii ka dhacay diyaarada Daallo loo xiray ilaa 25 ruux oo u badan shaqaalaha shirkada, gaar ahaan kuwa xiliga Qaraxa uu dhacaayay ku qornaa shaqada.

Dadka Qaraxa loo xiray ayaa waxaa ku jiray Saraakiil ka kala tirsanaa Hay’adaha amaanka NISA iyo Booliska kuwaasi oo loo heysto inaysan xil iska saarin la socodka amaanka iyo rakaabka Daallo ku qornaa.

C/salaam Axmed Caato oo ah Afhayeenka Xukuumadda Somalia, ayaa sheegay in baaritaanka uu yahay mid wali furan oo aan hadda xirmi doonin, waxa uuna tilmaamay in dadka loo qabqabtay Qaraxaasi baaritaanka kadib ay Xukuumadu shaacin doonto waxa ay kala ahaayen.

C/salaam Axmed Caato waxa uu tilmaamay in dadkaasi ay ku jiraan gacanta NISA, islamarkaana baaritaankooda ay ka qeybqaadanayaan xitaa rag cadaan ah si un loo helo xaqiiqda jirta.

Macluumaadka ugu badan ayuu sheegay in laga helay Kaamirada qarsoon ee ku dhextaal garoonka taasi oo laga helay xogo dhaxal gal u ah Xukuumada iyo laamaha amaanka.

Kaamirooyinkaas ayaa qabatay 2 ruux oo midi uu ku labisnaa jaakada lagu yaqaan Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde oo kambuyuutarka gacanta u dhiibaya ruux kale ee is qarxiyay, kaasi oo kambuyuutarkaasi qaraxa mootiyay halka lagu baaro alaabta musaafirka.

Afhayeenka waxa uu sidoo kale, sheegay in ruuxa loo dhiibay alaabtaas inuu ahaa ruuxii ka dambeeyay Qaraxii ka dhex dhacay Diyaaradda Daallo Airline, gudaheeda, laakiin weli Baarista ay socoto.

Arrintaani ayaa xaqiijineysa in amaanka Garoonka Aadan Cadde uusan aheyn mid sugan oo ay isku haleyn karaan Shirkadaha duulimaadyada ee Dowladaha saaxiibada la ah Somalia.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS