Dawlada Somaliya ayaa faahfaahin dheeraada ka bixisay nafti-halige argagixiso oo isku qarxiyay Muqdisho gaar ahaan daljirka dahsoon. Waxa la sheegay in qaraxaas nafti-haliguhu fuliyay asagoo isticmaalaya gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ay ku shahiideen ilaa 5 qof.
“Ciidanka Amniga oo bar koontarool uga hortagay kuna fashiliyay qarax lagu beegsanayay saldhig uu ciidanka amnigu leeyahay. Inta aanu xaqiijinay waxaa qaraxa ku dhintay 5 qof halka 11 kalana ku dhaawacmeen. Intii dhimatay Allah u naxariisto inta dhaawacantay Allah ha siiyo caafimaad taam ah ayay tiri Sakiye Xuseen Axmed
Waxa dawladu qaaday dadaal dheeriya oo argagixisada u diidey jiif iyo jog taas oo keentay in laba bilood ay dadku ka nabad galeen xasuuqa dhiigmiiratada Wahaabiyada ee shabaab.
Kooxda gaalaynta Muslimiinta ayaa hilfaha loo qaaday kadib markii loo diidey inay jiifsadaan ayuu yiri sarkaal u Hadley dawlada.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay