X

Faahfaahin qarax argagixisada kooxda gaaleynta ka fulisay Muqdisho: SAWIRO

Waxa ka soo baxaya faahfaahin dheeraada qarax ay fuliyeen argagixisada kooxda gaalaynta ee Shabaab oo hadda ay si toosa u wada shaqeeyaan koox barlamaanka ku jirta oo dawlad-diid ah.

Qaraxan oo ujeedadu yahay qalqal gelin amniga iyo xasuuqida shacabka iyo hantidooda ayaa ah qaraxii labaad ee kooxda gaaleyntu ka fuliso Muqdisho.


Qaraxii hore ayaan jirin cid wax ku noqotey an ka ahayn hanti Muslimiintu leedahay oo ay waxyeelo u gaysteen. Qaraxan hadda ayaa ka dhacay isgoyska dabka waxana qarxay gaari la hordhigey maqaaxi halkaas ku taal.


“Ilaa iyo hadda inta aan xaqiijinnay waa 4 dhimasho iyo 5 dhaawac ah. Waxaan tacsida iyo tiiraanyada la wadaagaynaa ehelada dadka dhintay, kuwa dhaawaca ahna Eebe degdeg ha u bogsiiyo ayay tiri Sakiye Xuseen Axmed Taliye.

Weerarada noocana ee fuleynimo ee ay fuliso kooxda gaaleynta ee shabaab ayaan istaageyn ilaa dadka ay adeegsato wado lagu rido.

admin:

This website uses cookies.