November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Faahfaahin qarax Kooxda gaalayntu ka gaysatey Muqdisho iyo khasaare balaaran

Wararkii u dambeeyay ee ka imaanaya goobta kooxda gaalayntu qaraxa ka gaysatey oo u dhow taaladii Xaawo Taako ayaa sheegaya in meydku is dul saaran yahay. Argagixisada ayaa dhigey gaari ay ka soo buuxiyeen walxaha qarxa meel u dhow taalada Xaawo Taako lagana aado madaxtooyada.



Goobtan oo aad u mashquul ahayd xilliga ay qarxiyeen ayaa waxa ka buuxa tukaano iyo dad wadada agteeda ku iibiya shaaha oo ah kuwa ugu badan ee ay goobta ku xasuuqeen.

Dhiigmiiradka gaariga dhigey goobta ayaa ka lugeeyay sida wararku sheegayaan kadibna ka daawadey meel aan ka fogeyn, waxayna muujinaysaa foojignaan la’aan inkastoo askartu ku mashquulsanaayeen baatista gawaadhida.



Tirada xasuuqa ayaan aad u farabadan, waxana goobta ks gurayadadka gawaadhida gurmadka.

Masuuliyiinta gobolka Banaadir ayaan welli wax wara ka soo saarin tirada xasuuqa guud. Argagixisasa ayaa caadiyan shilimaad yar u tuura dhalinta gaajaysan kadib markey ka bedelaan maskaxda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS