21/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Faahfaahin qaraxii argagixisada shabaab ka gaysteen wasaarada hidaha iyo tacliinta iyo khasaaraha ardey gaartey

Muqdisho–Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa weerarkii dhiigmiiradka shabaab ku qaadeen wasaarada hidaha iyo tacliinta sare halkaas oo sida la sheegay argagixisadu u istcimaashay gaadhi kadibna ay gudaha u galeen wasaarada.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamo AMISOM oo ahaa ilaa labo unug oo qeyb ka ah ciidamo la geeyay dhismayaasha Wasaaraddaha ayaa la sheegayaa inay ka qeyb qaateen difaaca dhismaha Wasaaradda.

Ciidamada ayaana muddo is rasaaseyn ay dhex mareysay dableydii hubeysneyd ee gudaha Wasaaradda soo gashay, markii uu qaraxa dhacay kadib, iyadoo dableyda la toogtay.

Inta la og yahay 10-ruux ayaa ku geeriyootay weerarka, kuwaasoo ay u badnaayeen dad rayid ah oo ka ag dhowaa agagaarka xarunta wasaaradda, xilliga uu qaraxu dhacayay.

Sarkaal ka tirsan dowladda oo diiday magaciisa in la adeegsado ayaa sheegaya in howl galka la soo gaba gabeeyay, ayna ciidamada dileen ilaa afar dabley hubeysan.

Arday badan oo sugayay jawaabta imtixaan ay u galeen deeq waxbarasho ay dibadaha u aadaan ayaa la sheegay inay ku jiraan dhismaha wasaaradda, xilliga uu weerarka dhacayay, waxaana ay gaarayeen ilaa afartan Arday.

Illaa boqol ruux oo u badan shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa ciidamada ay soo bad baadiyeen, kuwaasoo gudaha dhismaha ku jiray.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS