X

Faahfaahin qaraxii Boosaaso oo lala eegtay odayaal diidan horjooge Deni

Warar dheeraada ayaa ka soo baxaya qarax lala eegtay maqaaxi lagu shaaheeyo oo ku taal magaalo xeebeedka Boosaaso. Qaraxa ayaa inta la xaqiijay waxa ku dhintey oday kuna dhaawacmay odayaal diidan horjooge Siciid Deni.


”Dadka qaraxa lala eegtay iyo kuwa la dileyba waa beesha Warsangeli siiba Caaqil Cabdi Seed wuxuu ahaa caaqilka wasiir Jamaal oo ah wasiirka qorsheynta dawlada dhexe ee Somaliya ayuu yiri Xirsi Warfaa. Goobta odayadan lagu weearaay ayaan ka fogeyn xarunta Siciid Diyaano oo horjooge Siciid Deni weeraray dhawaan.


”Qorshahan wuxuu u egyahay argagixisada iyo horjooge Siciid Deni oo wada shaqaynaya ayuu qabaa Cali Calasow. Odayada maanta la weeraray oo ah beesha Dubeys ee Warsangeli ayaa siyaasad ahaan diidan horjooge Deni waanad fahmi kartaa ayuu raaciyay Cali Calasow.



Ilaa iyo hadda ma jirto wax sheegasho oo ah oo ka soo yeeray dhiigmiiratada Shabaab/Daacish oo ku aadan qaraxan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.