X

Degdeg: Yukarayn oo madfac ku soo riday gudaha Ruushka: MOOSKO

ARAABINEWS WAR HADDA YIMI

Yukarayn oo aad u kibirsan ayaa bilowday weerar iyo madaafiic ay ku garaacdo bariga dalkaasi oo ay haystaan falaago Ruusha oo diidan nidaamka ka dhisan caasimada dalkaasi ee Kiif ee Maraykanka dabada u ruxa.


Hogaamiyaha gobolka Dombaas ee bariga Yukarayn ayaa u sheegay dadkiisa oo Ruusha inay u qaxaan Ruushka ayadoo Yukarayn bilowday duqeyn xoogan inkastoo Ruushku ka digey inaanu daawan doonin in dadkiisa la xasuuqo.

Haddaba madaafiic Yukarayn ku garaacday xadka Ruushka ayaa ku dhacay dhinaca kale ee gudaha Ruushka. Baqdin awgeed ayaa Yukarayn markiiba iska fogeysay inay iyagu soo rideen madaafiicdaas oo saraakiisha Ruushku sheegeen inaan cidi wax ku noqon.


Ruushka ayaa sheegay inuu bilaabi doono baadhitaan cida ka dambeysana edbin doono. Ciidamada Ruushka oo ah kuwan ugu xooga weyn aduunka ayaa diyaarsan haddii dabadhilifka ka taliya Yukarayn uu xasuuqo dadka Ruushka ah ee ku nool bariga Yukarayn.


Madaxweynaha Yukarayn ayaa dalbaday in dalka loo soo gurmado asagoo taabtey madaafiicda ku dhacday gudaha Ruushka oo uu sheegay inayna iyagu soo ridin. ā€¯Waxaan codsanayaa in si caalami ah loo baadho madaafiicda ku dhacday Ruushka ayuu yiri madaxweynah Yukarayn.

Hogaamiyaha bariga Yukarayn ayaa dalbaday in dhamaan hubka la qaato si ay isaga difaacaan hubka culus ee Maraykanku siiyay Yukarayn. Si kastaba ha ahaatee warka madaafiicdan ku soo dhacday Ruushka ayaa walwal ku abuuray Maraykanka iyo xulafadiisa oo aan rabin inay dagaal la galaan Ruushka.



Yukarayn ayaa markale ku celisay inayna diyaar u ahayn inay dagaal kula wareegto bariga dalkaasi.

Rashiid Ceeklaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.