November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Faahfaahin sida loo diley argagixiso weyn oo ka tirsan argagixisada shabaab iyo warka oo ayna beenin

War kasoo baxay taliska ciidamada Kiiniya ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradooda dagaalka ay duqeyn ku dileen maanta sargaalka argagixisada Shabab u qaabilsanaa dhanka sirdoonka Mahad Karataay.

Warkaan oo ay warbaahinta Kiiniya baahisay waxaa lagu sheegay in duqeyntaan oo ka dhacday meel ka mid ah Soomaaliya in lagu dilay Mahad Karatay oo ay dawlada Kiiniya ku sheegtay inuu ahaa madaxii sirdoonka Kiiniya iyo 10 sargaal oo kale oo la joogay sida warkaan lagu sheegay.

Wakaaladda wararka AP oo soo xiganaysa saraakiil Kiiniyaan ah waxaa ay sheegtay in duqentu maanta ka dhacday meel ka mid ah koofurta Soomaaliya hase ahaatee lama sheegin halka duqeyntu ka dhacday

Ururka UGUS ayaa ka hadlay dilka dhiigmiiradkan ayayna si saxa u beenin. Xerada lagu dilay argagixiskan asyaa ku taala gobolka argagixisadu wali ka taliso ee Jubada dhexed.

Mahad Karatay oo magaciisa kale la yiraahdo C/raxmaan Max’ed Warsame waxaa uu ku soo baxay liiska shaqsiyaad argagixisdada ka tirsan oo lacag madaxooda la dul dhigay bishii April ee sanadkii hore.

Maraykanka ayaa sargaalkaan ku doon doonayay lacag dhan 5 million oo dollar waxaana lagu eedeeyay inuu wax ka maleegay weerarkii bishii April ee sanadkii hore lagu qaaday jaamacadda Gaarisa ee dadka badan lagu laayay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS