07/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Faahfaahin sida loo fashiliyay gaari Muqdisho argagixisadu qarax ka soo buuxisay: SAWIRO

Waxa lagu guulaystey oo la fashiliyay iska markaana bishan barskaysan Alle baajiyay dhiiga Muslimiin argagixisada gaakeybta Muslmiinta ku rabeen inay xasuuqaan.



Gaariga ayaa ku qarxay hareerta laamniga mana jirin cid ku waxyeello ka soo gaartay, sida uu sheegay Taliyaha 12-ka Apriil ee Ciidanka Xooga Dalka Generaal Tawane Axmed Maxamed.

“Ciidamada oo helay xog ku aadan gaariga Qaraxa siday ayaa joojiyay, waxaana gaariga ka degay darawalkii waday oo ahaa qof keliya ee gaariga la socday wuxuuna ku cararay dhul hawd ah” ayuu yidhi taliyaha.



Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Ameriko oo la hadlayay Qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay in si xooggan looga shaqeeyo  baraha koontaroolada.



Waxa maalin kasta la fashiliyaa intan in ka badan waxase la arkas kaliya inta la ilduufo ayuu masuul u hadkey dawlada. Maxaad filan kartaa haddii gaarigaas ummada lagu sii deyn lahaa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS