Wararkii u dambeeyay weerar fuleynimo oo ay fulisay argagixisada kooxda gaaleynta Muslimiinta ee Shabaab ayaa ka dhacay laamiyaraha isgoyskii ay dadka badan ku xasuuqeen ee Soobe.
Gaari miino lagu xirey ayaa argagixisadu qarxiyeen ayagoo ay caadi u tahay inayna u aabo yeelin cida dhimanaysa iyo goobta ay gaariga ku qarxiyaan oo ayna kala jeclayn.
Darawalkii Gaariga ayaa qaraxaasi ku geeriyooday,waxaa sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray Saddex ruux oo laba ka mid ah ay saarnaayeen Mooto Bajaaj iyo qof kale oo gaariga saarnaa.
Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya oo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa tegay,iyaga oo halkaasi ka qaaday meydka iyo dhaawaca.
Xasuuqa argagixisadu ka fuliso Muqdisho ayay maalin kasta ku dilaan muwaadin Somali ah.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS

Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay