19/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Faahfaahin weerarkii argagixisadu ka gaysatey Muqdisho iyo jeneraal la xaqiijyay geeridiisa

Allaha u naxariistee waxaa goor dhow weerar naftii halignimo ah lagu dilay jeneral Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo ahaa Taliyaha Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya .

Qaraxa ayaa lala beegsaday Gaariga jen. Goobaale oo marayay Agagaarka xerada Guul Wadayaasha ee Magaalada Muqdisho. Qaraxan ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku dhinteen Qaar ka mid ah ilaalada jen. Goobaale oo xilliga uu Qaraxa dhacayay la socday.

Dhiigmiiradka xalaashatey dhiiga muslimiinta ee shabaab ayaa sheegtay ficilkan fuleynimo ee markasta ay ku xasuuqaan shacabka Somaliyeed. Qaraxaas kadib ayaa waxa dhacay is rasaasayn inkastoo aan la garanayn dhinaca rasaastu u socotey.

Jeneraal Goobaale ayaa beesha Biyomaal ku eedaysay in uu ka mid yahay raga xasuuqa ka gaystey gobolka Shabeelaha hoose

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS