Faahfaahin xasuuq argagixisadu ja fulisay Muqdisho. Sida ay masuuliyiintu xaqiijeen argagixisada kooxda gaaleynta muslimiinta ayaa qaraxaan la eegatey goob aan ka fogeyn suuqa lo yaqaan Muqdishi Mall oo caadiyan dadku buuxaan.
Inta la xaqiijey ilaa hadda ee argagixisadu ku xasuuqdey ayaa gaaraya ilaa 10 qof halka 20 kalana ku dhaawacmeen markii ay adeegsadeen sida caadiga ah gaari ay ka soo buuxiyeen walxaha qarxa.
Lama garanayo in gaariga goobtaas la dhigey kadibna kii qarxiyay daawanaayo dhimashada dadka iyo inuu ahaa naftii halige isku qarxiyay gaariga.
Maaha markii ugu horeysay ee kooxda gaaleyntu xasuuqaan dadkeena, waxayna ugu yaraan dilaan naalin kasta laba qof hadayna ka badneyn.
Dadkii dhaawaca ahaa ayaa loo cararay isbitaalada oo welli la ciirciiraya kuwii hore ay u soo dhaawaceen.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS