Faahfaahin xasuuq argagixisadu ka gaysatey Muqdisho. Argagixiso ka tirsan kooxda Shabaab ayaa sida la sheegay ku qarxisay xaafada Yaaqshiid gaari uu lahaa gudoomiye waaxeed.
Waxa muuqda in askarta ilaalada u ahaa gudoomiye waaxeedkan ayna gudan hawshii loogu talogaley oo isla iyagiina la diley.
Goobjoogayaal ayaa waxa sheegeen in qaraxaas ay ku geeriyoodeen  Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa Maamulka degmada Yaaqshiid kaas oo lagu magacaabi jiray Cali Cabdi Geedi Farayare iyo mid ka mid ah ilaaladiisa.
Xasuuq bishan Ramadaan ee argagixisadu fulisay ayaa kor u dhaafaysa ilaa 70 qof.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS