RW Xasan Cali Kheyre ayaa booqdey qoxootiga Somaliyeed ee ku nool Jabuuti.
Ra’iisul Wasaare kheyre oo la hadlay boqolaal ka mid ah dadka qaxootiga ah ee soo dhaweeyey ayaa waxa uu sheegay in ugu yimid booqasho uu ugu kuur galayay xaaladooda inta uusan dib ugu laaban Magaalada Muqdisho.
“Dawladda uu hogaamiyo Madaxwayne Farmaajo waa dawladii shacabka, idinkuna waxaad ka mid tihiin shacabka Soomaaliyeed. Sidaa darteed anigoo ah Ra’iisul Wasaasraha Soomaaliya oo yimid Jabuuti waxay ila noqotay ceeb in aan idin soo salaami waayo.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.
Qoxootigan ayaa muddo ku noolaa halkaas ayagoo ay qixiyeen dhiig miiratadii jabhadaha ee taageeray reer galbeedkii dalka burburiyay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS