X

Faahfaahin yaa fuliyay weerarkii aargoosi qabiil ee lagula kacay Fahad Yaasiin

FAHAD YAASIIN (ARAABINEWS.COM)

Waxa saaka weerar lagu qaaday guriga uu degan yahay madaxii hore ee sirdoonka qaranka Fahad Yaasiin oo ku yaala xayndaabka madaxtooyada. “Waxa weerarka fuliyay ciidamo loo soo geliyay dharka sirdoonkii qaranka ee hadda noqday jufo aargoosi wada ayuu yiri Cali Calasow Muqdisho jooga.


“Guriga xataa dacas loogama tegin ayuu yiri goobjooge degan guriga kana mid ahaa ehelada. Waxay ahayd koox gaajaysan oo aan haba yaraatee lahayn akhlaaq ayuu goobjooguhu raaciyay.


Aargoosiga Xasan Culusow ku kacay kana dhacay Isla madaxtooyada ayaan noqonayn mid looga hari doono ayadoo Somalida ay ku soo dhex tuureen xildhibaano iibsaday qaranka ayuu qabaa Cali Calasow.



Foolxumada uu horgale Xasan Culusow ku kacay ayaa abuuri karta in beeluhu dib isku ugaarsadaan umana malaynayo inay tahay mid looga harayo ayuu yiri Xirsi Warfaa. Nin gurigiisii ka maqan ayuu u dhacay kadibna bililiqaystey foolxumo ka weyn miyaa jirta ayuu raaciyay.

Waan laangaabnimo weyn.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.