X

Maamul jufeedyadu way geli karaan heshiisyo caalami ah: Horgale Xasan Sheekh

Horgale Xasan Sheekh oo dalkan loo keenay inuu burburiyo kana abuuro hayjado ka amar qaata shisheeyaha ayaa welli ka hadaaqaya inuu ogolyahay in maamul jufeedyada sida maamulka Somalilaan ay heshiisyo caalami ah la geli karaan dawladaha caalamka.


“Ani ima quseeyaan haddii dawlado yimaadaan oo heshiisyo la galaan maamul jufeedyada oo mashaariic ka fuliyaan kamana hor istaagayo horumarka ayuu yiri horgale Xasan Sheekh oo hadda aan ognahay in Maraykanku qayb weyn ku lahaa soo noqoshadiisa.


Ingiriiska oo taageero weyn siiya maamulka Somalilaan laakiin ku dhici waayay inuu u badheedho inuu aqoonsado ayaa Ka mida kuwa raadinaya inayna soo marin dawlada dhexe ee dantooda ka fushadaan maamulka Somalilaan oo ku kooban Hargeysa iyo Burco, waxayna hore ugu sameeyeen sanduuq u gaara.

Lacagta sanduuqaas ayaa dhaafin labadaas magaalo, waxayna dhawaan ku dhiiradeen weliba xilligii kalaguurka inay toosa u sheegaan inay rabaan inay dalka sii kala jaraan.


Waxa ku xigey Maraykanka oo isna xilliga kala guurka askartiisa ka dejiyay Berbera rabana inuu gobolka ka dhigto meel uu ka fushado danihiisa. “Jabuuti waa lagu batey marka waxa noo roon Berbera ayaa laga soo xigtey taliyaha ciidanka Maraykanka u qaabilsan Afrika.


Intooduba waxay raadinaayeen horgale ay ku shaqaystaan oo fulaya danahooda. Waxana ugu weynaa in haddii aan maamulka la aqoonsan karin in laga dhiso dhinaca shaqaalaha, waxayna hawshaa qayb ahaan u keeneen Taywaan, ayadoo qorshaha hore ee balaadhinta dekada iyo madaarka Berbera ay qaateen Imaaraadka oo hadda Yuhuuda ku xiran.



” Waxa dhan way Isla socdaan markii horena waxay ka saxiixeen fadhiid Shariif sh Axmed magaca Somaliya iyo Somalilaan oo hadda u hirgalay, halka horgale Xasan Sheekhna isna u saxiixay Berbera Imaaraadka ayuu yiri Xuseen Warsame.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.