X

Faahfaahinta dhalinyaro filimaan jila oo xabad ka fakatey iyo gabadh ku dhimatey

Taliyaha booliiska magaalada Garoowe ayaa faahfaahiyay dilka Aniisa C/casiis Siciid oo sida la sheegay ay ku dhacday xabad ka dhacday bastoolad. Taliyaha ayaa sheegay in gacanta lagu hayo ninkii xabadu ka dhacday.


Waxa booliisku cadeeyay in dhalinyaradan ay ahaayeen kuwa baraha bulshada ee matala filimada wacyi gelinta. Mar la weydiiyay sida ay u heleen bastoolada ayuu sheegay inay ka so qaateen ninkale oo aan isagu joogin goobta.


”Waa geeri xanuun badan waxaan tacsi la wadaagayaa eheladii ay ka geeriyootay xabaduna waxay ka dhacday wiil ay wada socdeen oo lagu nagacaabo Nadiir Bile Cali iyagoo si nabada kuwada socda kiiskiina waa socdaa ayu yiri taliyaha.

Kiiskan ayaa u muuqda inayna jirin u kas ee ahayd xabad fakatey keliya.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.