X

Faahfaahinta miino argagixisadu aastey oo khasaare ka dhashay

Faahfaahinta miino argagixisadu aastey oo khasaare ka dhashay. Miinada ayaa argagixisadu dhulka ku aastey waxayna ka qaraxdey meel aan ka fogeyn jaamacadii Gaheyr ee magaalada Muqdisho oo hadda ay degan yihiin ciidamo booliisa.



Argagixisada ayaa miinada ku aastey goob qashin yaalay waxana sida dadku sheegayaan halkaasi marayay laba ruux oo hadda geeriyoodey markey ku qaraxdey.

Labada ruux ayaa midi haweenay ahaa. Ciidamada Booliska ayaa tagay goobta qaraxa uu ka dhacay kana bilaabey baaritaan.



Maydka labada ruux ee shacabka oo halkaasi laga qaaday, ayaa waxaa la geeyay Xarunta Dambi baarista Ciidanka Booliska Somaliyed.

Argagixisada ayaa miinooyinka ku aasta meelkasta xataa xasuuqi jirtey dadka maatada ee ka xoogsada nadaafada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 


admin:

This website uses cookies.