X

Wasaarada caafimaadka oo amar ku soo rogtey ajaanibta ku shaqaysta caafimaadka

Wasaarada caafimaadka ayaa amar dul dhigtey ajaanibta ku shaqaysta caafimaadka. Sidii burburku dalka ugu dhacay waxa dalka soo buuxsamay ajaanib ka faaiideysanaya jilicsanaanta dadkeena.



Ajaanibtan ayaa ka sameeyay boqolaal kun oo doolar xataa ayagoon lahayn khibrad dhaqtarnimo, dadka ay lacagaha ka gurtaan ayaa u badan haweenkeena jilicsan.



Hadaba wasaarada oo ka duuleysa meeshan maran ee laga faaiideystay dadkeena ayaa ajaanibta ku soo rigtey arimaha soo socda inay fuliyaan lana yimaadaan

  1. In Ajaanibta dalka soo galaya ee caafimaadku soo ogeysiiyaan wasaarada
  2. In ajaanibka caafimaadku soo gudbiyo xirfad caafimaadkiisa oo buuxa
  3. Inuu keeno shahaadooyinkiisa caafimaad oo asala iyo mid koobi
  4. Cadayn inuu yahay dhaqtar ama ku shaqaysto dhaqtarnimo
  5. Baasaboorkiisa oo asala iyo koobi
  6. Warqad cadaynaysa in aanu gelin wax dambi ah.

Amarkan ayaa la farayaa dhamaan hay’adaha ku shaqada leh caafimaadka inay soo gudbiyaan muddo bil ah

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.