X

Faahfaahintii u dambeysay weerarkii kooxda gaalaynta Muslimiintu ku qaaday huteel SYL

Afhayeenka booliiska Somaliya ayaa faahfaahin ka bixisay weerarkii kooxda gaalaynta Muslimiinta ee Shabaab la baxdey ay ku qaadeen huteel SYL oo ku yaala Muqdisho. Argagixisada gaalaysay Muslimiinta ayaa laga diley sadex ka mida halka laba kale welli ku dhuumanaayaan gudaha huteelka.


”Waxaan ilaa hadda soo badbaadinay 82 qof oo goobta ku lahaa xaflad oo sida cad wadashaqayn gudaha ah kala dhaxaysay. Waxa aan warbixin laga hayn tirada dadka guud ee ku dhaawacmey iyo inta shahiidey.


“Waxaan ka digeynaa in xiriir telefoon lala sameeyo dadka shacabka ah ee lagu tuhunsanyahay in ay gudaha ku jiraan inta hawl galka laga soo afjarayo, Warbaahinta iyo muwadiniinta sharafta leh waxaan fareynaa inay ka fogaadaan goobta arrimo amni awgeed” ayay tiri afhayeenka booliiska.


“Abbaaro 7dii fiidnimo ayaa qoladii gaalaynta muslimiintu weerar ku soo qaadeen huteel SYL iyadoo 3 ka mid ah lagu dilay huteelka banaankiisa sidoo kalena labo kale haatan ay ciidamada amaanka ku baacsanayaan gudaha Huteelka ayadoo mid dhaawac yahay” ayey ku soo xidhey.

Dhiimiiratada kooxda gaalaynta Muslimiinta ee shabaab ayaa hore u xalaashadey dhiiga ummada Muslimka ah halka kuwii beenta ugu sheegay in jano sidan lagu galo ku qoslayaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.