X

Argagixiskii ugu dambeeyay oo la khaarajay iyo sifeyn ku socota huteelka SYL

Ciidamada loo tababaray argagixisada ayaa xalay saqdii dhexe soo afjaray weerar fuleynimo ah oo kooxda gaalaynta Shabaab ku qaaday huteel SYL oo ay Ka socotey xaflad. Argagixisada oo gaalaysay muslimiinta ayaa rabay inay xasuuq badan gaystaan.


Dawlada oo ka hadashay qasaaraha ayaa sheegtay in ay Ku shahiideen ilaa Sadex Askari oo ah kuwii baacsanayay iyo laba Ka mida dadkii shacabka ahaa ee joogey huteelka.

Dadka ka shaqeeya Huteelka ayaan iyagu waxba noqon taas oo muujinaysa ama keenaysa su’aalo badan ayuu yiri Cali Calasow.


Argagixisada oo xirnaa dharka booliiska ayaa rasaas nagu bilaabay anaguna booliis ayaan u qabney ayuu yiri askari diley mid Ka mida kooxda gaalaynta, kuna diley afaafka hore.

Waa astaamaha lagu garto argagixisada iyo fuleynimadooda ayuu raaciyay geesiga dhulka dhigey nijaaskaas argagixisada ee beenta loogu sheegay in sidan janno lagu galo.


Guud ahaan qasaaraha ayaa ah Shan qof ayadoo hadda Huteelka ay Ka socoto su’aalo iyo baadhis Ku aadan cidkasta oo Ka shaqaysa iyo weliba eegista kaamarooyinka Ku xiran Huteelka.

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.