X

Faarax Macalin oo kabaha la dulmaray Ismaaciil Cumar Geelle

Siyaasiga Faarax Macalin ayaa sheegay in Ismaaciil Cumar Geelle uu saaxiib wayn la ahaa Tigreegii Milas Sanaaw ee aan ognahay xasuuqa iyo dhibaatooyinka uu u gaysatey Muqdisho iyo dawlada Somali galbeed.


“Waxyaabaha aan ka tusaalle Qaato waxaa kamid ah Qof kaad garan waydo Saaxiibkii ayaa la fiirayaa,  Ismaaciil Cumar geelle  Wuxuu Walaal ka dhigtay Males Sanaawi,   Waa ninkii Xamar intuu yimid markay ugu yartay ku dilay 40-Kun oo Soomaali ah, Anigu Ismaaciil Saaxiibo ayaan ahaan jirnay, Balse markii aan waraysi uga hadlay geerida Males Sanaawi  , Waxaan hayaa inuu aad uga xumaaday markaan ka hadlay dhibkii uu ku hayey Geeska Afrika”. Ayuu yidhi Faarax Macalim.


Faarax Macalim wuxuu sidoo kale ka hadlay tallaabooyinka lagu wiiqayo midnimada iyo qaranka Soomaaliyeed ee Madaxwaynaha Jabuuti uu magacaabay.

Dhinaca kale wuxuu Faarax Macalim  ka hadlay Gudiga loo saaray arinta Khilaafka Kiiniya iyo Soomaaliya, Wuxuuna tilmaamay in markii hore uu khalad ahaa in dal keli ah loo saaray arintaasi.


“Warbixinta ay kasoo saareen arinta Kiiniya iyo Somaliya waa been qaawan oo khalad ah, oo xaqiiqda ka fog, hadii Been aad u qortay dan yar inaad gaadho, Colaadii way sii fogaynaysaa, Markaad laba dal kala dhex galayso waa inaad Runta sheegto, Balse hadii been lagu saleeyo, waa in Fidnadii ay sii socoto” Ayuu yidhi Faarax Macalim.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.