X

Faarax Macalin oo qarxiyay sir uu ka ogyahay shidaalka Somaliya

Siyaasiga reer Kiiniya Faarax Macalin ayaa qarxiyay sir uu ka ogyahay shidaalka Somaliya oo hore loo ogaa in  Carabtu ku fadhido siiba cadowga Somalida ee Sucuudiga, Imaaraadka iyo Qadar.


Waxa uu Siyaasiga Faarax sheegay in Soomaaliya ay heysato xirmo dhan 280 oo shidaal ah, isla markaana horay loo soo bandhigay lana xaraashay 53 ka mid ah waxa kaliya ee haatan la isku heystaana uu yahay 3 xirmo.

”Somaliya haday la soo baxdo hal ceel oo shidaala waxay ka adkanaysaa argagixisada iyo dawlad-diidka is wata ayuu yiri Faarax Macalin

Wuxuu kaloo sheegay in aqoonyahano Somali ah oo si fiican u yaqaan batroolka iyo arimihiisa sadex ka mida la eryay inkastoo halkaas loo baahan yahay in la hubiyo cida ay yihiin iyo goorta la eryay.


Waxaan shaki ku jirin in Somaliya ay haysato cunaqabatayn Muslimeed iyo gaaleed oo waxa kaliya ee lagala dagaalamayaa ay tahay sidii dawladu u heli lahayd kharash iyo ciidankii fulin lahaa amarka iyo kala dambeynta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.