10/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Faarax Macalin oo sharaxaya sababta Somalidu u maal-gashan doonin Kiiniya

Faarax Macalin oo hore u ahaan jirey afhayeenka barlamaanka Kiiniya ayaa sheegay in Somalida lacagta leh ayna maal-gashan doonin Kiiniya. Wuxuu sababta ku sheegay siyaasada colaada ah ee Uhuru ku bilaabay Somalida.



Ma jiraan hadda Somalidii badneyd ee dalka Kiiniya maal-gashan jirtey waxana ugu wacan siyaadad xumada ay Kiiniya la timi. Waxaad is weydiin kartaa xagee aadaeen Somalidu. Jawaabtu waa Itoobiya iyo Turkiga.

Kiiniya ayaa si toosa faraha ugula jirta siyaasada Somaliya ayadoo hadda ay isku mowqif yihiin argagixisada.



Waxa Kiiniya looga baahan yahay onsunla timaad siyaasad ay Somaliya wax Kula wadaagi Karto halka hadda ay ku jirto mijaxaabin. Waxaad aadaysaa Itoobiya halkaas oo dalku-galka markaaba lagu siinayo ayuu yiri Faarax Macalin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS