X

Maxaa ka jira buunbuuninta diyaaradaha Turkiga oo waxyeelo u gaystey ciidanka Siiriya

Waxa markale madaxweynaha Ruushka Buutin uu fadeexo foolxun iyo burbur ka badbadiyay Dayib Erduqaan oo isagu kolba xagga dambe ka tooganaya Ruushka iyo Suuriya. Markii meelkasta laga soo xirey xulafada bugta ah ee Naatana farta ku soo fadhiiso ku yiraahaan ayaa Dayib Erduqaan ku cararay Buutin oo uu waxyar kahor xagga dambe ka tooganaayay.


Ugu dambeyn waxa loo sheegay inuu la shaqeeyo Ruushka xilli ciidanka Siiriya gobolkooda Idlib ee argagixisada akhwaanka iyo Daacish ku aruursan yihiin looga sifeyn lahaa. ”Wuxuu rabay cid marada huwisa waxase aakhirkii huwiyay Buutin ayuu yiri Xuseen Warsame.

Dagaalka Idlib iyo diyaaradaha is wata ee Turkiga


Idlib waa gobol ka tirsan Siiriya oo argagixisada akhwaan iyo daacish ay joogaan Siiriyana rabto inay ka sifeyso. Waxa argagixisadaas raacsan Yuhuuda oo Siiriya dhinaca kale ka weerarta xagga doqon Erduqaan oo kolna Taram u carara marna Buutin u orda uu Siiriya ka weeraro dhinaca Galbeedka.


”Waana ta keentay in diyaaradaha aan is wadin ee Erduqaan ay ciidanka Siiriya oo aan iska filayn ay gaadaan uuna ku faano inuu diley ciidan reer Siiriya ah waayo hubka lidka diyaaradaha ee Siiriya ayaa dhamaantood loo jeediyay dhinaca Yuhuuda ayuu yiri Xuseen Warsame.

Hubka ugu weyn ee yaalay wuxuu ahaa taangiyada Siiriya ee gaboobay oo lagu baacsaday argagixisada.


Markii hubkii loo soo wareejay dhinaca gobolka Idlib waxa hilfaha loo qaaday diyaaradihii Dayib Erduqaan ee dhuumashada iyo fuleynimada uu ku diley muslimiin farabadan.


Ta kale Erduqaan ma soo kicin hal diyaarada oo kuwa waaweyna wuxuuna ogyahay in dhulka ay taalo. Marka waxa kuu cad in ayna waxba ku qaadanayn xulafada Ruushka iyo Siiriya inay Erduqaan masibadiisaku joojiyaan Istaanbuul, waayo waxa hubaala in HAL GAAL u dagaalamayn laba wejiile Erduqaan.

Wuxuuse doorbidey inuu kolba gaal ku cararo Muslimiinta qixiyo.

Rashiid Ceelanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.