22/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Fadeexad ka dhacday Maraykanka kadib markii will Muslim ah lagu xiray saacad uu sameeyay sideese wax u dhaceen

Fadeexad tii ugu foolxumayd ayaa ka dhacday Maraykanka kadib markii wiil Muslim ah kana soo jeeda Suudaan lagu xiray saacad uu sameeyay taas oo aduunka dhan hadda aad looga hadalhayo. Wiilkan ayaa saacad ku sameeyay gurigiisa kadibna wuxuu saacadii u qaaday dugsiga uu dhigto iyadoo ujeedada ay ahayd inuu iska dhaadhiciyo macalinkiisa sayniskka,,waxayse ugu jawaabtey anigu arkaye ha tusin macalin kale.

Intaas kadib ayaa saacadii intii lagu jiray xiisada waxay samaysay guux ama dhawaq taas oo lagu yaqaan saacadaha ”macalimadii ayaa ku tiri waxay u egtahay bam laakiin Axmed Maxamed oo ah wiilka saacada sameeyay ma fahmin in ay daacad ka tahay hadalka ay tiri”.

Macalimadi ayaa macalimiintii kale u habar wacatay waxana loo yeeray Axmed waxana lagu yiri joog halkan waxayna dalbadeen booliiska oo bilaabay in uu suaalo waydiiyo iyadoo isla markiiba lagu dhejiyay katiinad.

Booliiskii ayaa kaxaystay Axmed waxayna bilaabeen baaritaan iyagoo u yeedhay khuburo ku shaqo leh arimahan kaas oo u xaqiijiyay in waxani ayna ahayn bam ee uu yahay saacad wiilka yari sameeyay. Halkaana waxa fadeexad weyni ka soo gaartey dugsiga iyo booliiska.

Aabaha dhalay wiilka ayaa sheegay in wiilka Ilaahay ku manaystay karti uuna sameeyo waxkasta oo ka xumaada guriga. Axmed ayaa waxa  hambalyo u soo direy Barak Obama halka mulkiilaha Facebook uu sheegay in dadkii kartida lahaa loo xirayo saacad ay sameeyeen.

Axmed ayaa la kulmi doona Barak Obama halkaas oo uu xogwaraysi la qaadan doono madaxweynaha. Hoos ka fiiri saacada uu sameeyay Axmed ee loo xiray.

_85589586_16e23342-6ce7-4c4f-b176-88d94cf667b3[1]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM