Iyadoo hore loo ogaa xiriirka ka dhexeeya Yuhuuda iyo Sucuudiga ayaa hadda waxa soo shaac baxay in ninka boqor ku sheega ee Sucuudiga waa gacan ku dhiigle Salmaan uu malaayiin doolar ku bixiyay sidii Netanyahu u soo bixi lahaa doorashada Yuhuuda. Lacagta uu bixiyay ayaa lagu sheegay in ay tahay 80 milyan oo doolar.
Warkan ayaa waxa qarxiyay waraaqo laga helay shirkad sharciga ahayd oo ku taalay dalkaasi Panama oo madaxda aduunka lacagleyda ah ay ku qarsadaan lacagtooda iyagoo ka ordaya in ay cashuur bixiyaan. Lacagaha qaar ayaa loo isticmaalay in si hoose laysugu gudbiyo musuq ahaan ama dano siyasadeed lagu fuliyo.
Sucuudiga ayaa lagu helay sanadkii hore in uu lacago siiyay raiisal wasaaraha Malaysiya si uu doorashada u soo baxo isagoo diidanaa Ibrahim Anwar oo taageera urur diimeedka Akhwaanka. Fadeexadan ayaa ka dhigan in dadka Muslimiinta ee kale been loogu sheego in Falastiintu dhiban tahay halka Sucuudigu waligiiba taageersanaa Yuhuuda,
Urur diimeedka Sucuudiga ee Salafi/alqaacida ayaan la tusi karin urur diimeedka lagu magacaabo Akhwaan Muslimiinta ee ka dhisnaa Masar hadana ku xoogan Turkiga oo Erdogan hogaamiyo. Ururka Xamaas ayaa iyaguna haysta mabda akhwaanka Masar.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay