Telefishanka qaranka Somaliyeed markaad maqasho waxaad is oran kartaa waa mid ku qotoma dhaqanka iyo luqada dadka uu la hadlaayo. Hadase sidaas maaha waa telefishan ku hadla afka dawlada oo ay gasho lacagta dadkii uu la hadli lahaa hadana xayaysiin u samaynaya luqad aan Somali ahayn.
Fowdada dawlad la’aaneed ayaa keentay in la hagi waayo meelaha ugu muhiimsan ee dalka iyo dadka laga hago oo ay ugu horeyo saxaafada. Waxa mar hore fashilmey barnaamijka af-Somaliga oo intaanu bilaabanba fashilmeY maadaama ayna jirin cid ka daba socota.
Telefishanka qaranka lagu sheegay ayaa laftiguusu ku dhisneyn magac Af-Somaliya waxa loo soo gaabiyaa SNTV oo af-Ingiriisa.
Waxa kale oo nasiib daro ah in boorarka xarumaha dawlada ay u qoran yihiin sadex luqadood oo kala ah Af-Somali, Ingiriis iyo Carabi oo aad isweydiin karto imisa quruumo ayaa ku nool Somaliya. Waxana mudnaansho ah in sidii dalku u burburey ayba yaryihiin dadka ajaanibta ah ee ku nool dalka.
Hoos ka daawo Telefishanka Muqdisho ee lacagta masaakiinta laga siiyo shaqaalaha oo xayaysiin u haya luqad aan tooda ahayn.
[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=yYjDXf-ftVQ[/embedyt]
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS