X

Fadeexadii xabsiga Xamar oo 27 qof loo eryay iyo shirqoolka oo ay soo faqeen

Dhawaan ayay ahayd markii xabsiga Xamar oo ay ka buuxaan argagixiso ahayd in qoorta loo dheereeyo ay hub soo gasheen isla xabsiga ayagoo la heshiisay rag ka tirsan xabsiga oo argagixisnimo aaminsan.


Guddiga kloo xilsaaray baadhitaanka dhabta ah ee arintan oo la kulmay sii hayaha raiisal wasaaraha ayaa intii ay baaritaanka wadeen waxay ogaadeen in August 08, 2020 gudaha xabsiga la geliyay hub sidoo kalana August 10, 2020 la geliyay rasaas dheeraada.

Ujeedada ayaa ahayd in dhiigmiiratadu la wareegaan xabsiga toogtaana askarta aan ku jirin shirqoolka. ā€¯Waxaan dalbanaynaa in qoorta loo dheereeyo dhamaan intii ku lahayd shirqoolkaas ayuu yiri Cali Calasow.


Hubka oo ay ku jireen bastoolado iyo bambooyin ayaa lagu dhex qariyay hilib iyo jawaan liin ay ku jirto. Fadeexadan foosha xun ee khiyaano ayaa loo xirey 12 ciidanka asluubta ah, shacab iyo argagixisadii ka qayb qaatay weerarka.

Waxa la sugaa keliya in qoorta loo dheereeyo kuwa fududeeyay shirqoolkan oo hadda xiran.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.