X

Iiraan oo magdhow ka heshay Imaaraadka soona badhigtey gantaalo cabsi geliyay Maraykanka

Iiraan ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtey markab ay Imaaraadku leeyihiin oo ku soo xadgudbey biyaha dalkaasi sida ay ku sheegeen qoraal ay soo saareen. Markabka ayay qabteen horaantii usbuucii hore.


Iiraan ayaa sheegtay in Imaaraadku dileen laba kaluumaysato oo u dhashay Iiraan isla maalinkaas la qabtey markabka. ā€¯Imaaraadka oo warqad u qorey Iiraan ayay ku sheegeen inay ka xunyihiin diyaarna u yihiin inay bixiyaan magta.

Dhinaca kale warbaahinta Imaaraadka ayaa sheegay in 8 ka mida kaluumaysatada Imaaraadka ay u gudbeen dhinaca Iiraan. Waxayna intaas ku dartey in sharciga Iiraan la marsiiyay.



Gantaalada cusub ee Iiraan iyo masaafadooda

Iiraan ayaa tijaabisay gantaal nooca dagaalka dhulka ah oo masaabadiisu gaarayso 1400km oo ku filan inay ku garaacaan jasiirada ku taala badweynta Hindiya, ayagoo dhinaca baddana ltijaabiyay gantaal aad uga nixiyay Yuhuuda iyo Maraykanka oo masaafadiisu gaarayso 1200km.



Labadan gantaal ayaa maanta la tijaabiyay, taas oo Iiraan ka dhigeysa dawlad ku sii dhow inay dhawaan yeelato gantaalada isaga gudba qaarad ka qaarad.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.