10/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Fadeexad: horjooge Muuse Biixi oo lacag masaakiinta ag-jiifta u baahneyd u diraya Ingiriiska

Waxa dad farabadan cadho saaida ka muujiyeen lacag horjooge Muuse Biixi ka saarayo khasnada uu jeebka ku haysto una dirayo masjid laga dhisayo Ingiriiska xilli Muslimiinta Ingiriiska joogta ayna waxba uga baahneyn laakiin la sheegayo in ictiraafkii galay.



”Lacag ku dhow 100 kun oo doolar ayaa horjooge Muuse Biixi u dirayaa masjid lagu sheegay Al-Huda oo Ingiriiska ku yaala xilli gurigiisa hortiisa ay ag-jiifaan masaakiin xataa hal doolar haysan, ayadoo aan hore u aragney inuu ku tuntey hooyooyin garab rarato ah oo aan haysan meel ay yaanyada ku gataan ayuu yiri Xuseen Warsame.

Waxa lacagtaas masaakiinta horjooge Muuse Biixi gurigiisa hor jiifa difaaca wasiir ku sheegiisa diinta oo isna diinta meel kaga dhacay shegayna in dadkii Ingiriisku joogey bixin kari waayeen lacagta masjidka cidurka Koroona awgeed sidaana ay qasabtey in horjooge Muuse lacagtan masaakiinta laga soo qaadey dibedda looga qaado.



”Waa foolxumo tii ugu xumeyd in lacag maalin kasta hooyada yaanyada xoog looga qaado haddana sidan loogu takri falo ayuu yiri Xuseen Warsame haddaan laga dhiidhiyina ay waxyaabo kale ka soo socdaan horjooge Muuse Biixi. Waa nasiib daro haysata Somalida oo meelkasta uu hor fadhiyo waxma garad.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS