X

Fahad Yaasiin ma helayaa meeluu u gudbiyo xogta qaranka ee u hayo?

FAHAD YAASIIN

Mahad Salaad oo hadda aan ognahay in magaca NISA u bixisay uu ahaa Maxamed Maahir wuxuu ahaa xildhibaanka KELIYA ee sida tooska noola wadaagi jirey faahfaahinta weerarada ka fashilma iyo kuwa ay fuliyeen. Tacsidana u horeyn jirey. Waxa si fiican uu u adeegsan jirey qabyaalada waayo waa sida keliya ee uu ku dhuuman karo hawshiisana ku wadan karo.


Isticmaalka qabyaalada oo inta badan ah kaadhka ay isticmaalaan shisheeyaha dalkeena ku soo duulaya markay arkaan Somali meel u wada jeeda, waxa iyaguna si xooga u isticmaala argagixisada si ay ugu dhuuntaan sida Mahad Salaad oo kale.

Maalinka uu noo sheegay in Fahad Yaasiin badbaadiyay Xasan Cali Kheyre wuxuu markiiba soo dhigey fariin qoraal uu ku caayayo Xasan Cali Kheyre asagoo isticmaalaya erayo dhana fule ka dhigaya Xasan dhana ka dhigaya nin ay jufo yihiin oo magaalo hadda uu sheegto waxba ku dhigan kari waayay.


Aduunka wararka dilalka iyo dhacdooyinka qarsoon waxa keliya og sirdoonka.

Waxa taas xigtey inuu si toosa su’aalo u weydiin jirey sababta looga reebay ilaaladooda inay la galaan xarunta madaxtooyada. Haddana gaashaan ayuuba haystaa marka rajada keliya ee kiiskaas leeyahay waa in golaha shacabku guuto waajibkiisa oo macnaheedu yahay inay daaqada ka tuuraan Xasan Culusow.



Sirdoonka Maraykanka ee Xalane degan ayaa wararku sheegayaan inay ogyihiin Mahad Salaad iyo kooxdiisa mase rabaan inay farta fiiqaan jaa iyaga waxa u daran inay haystaan Xasan Culusow oo hadda ay la wadaan mashruuca abaarta iyo kuwo ka waaweyn oo ay rabaan inay ka fushadaan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.