November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Fal cabsi ah oo argagixisada shabaab ku hayso dumarka Baraawe iyo afduub ay gaysteen

Baraawe–Magaalada Baraawe oo laga xoreeyay argagixisada shabaab ayaa la sheegayaa in maleeshiyaadka shabaab ay halkaasi ka afduubteen ilaa iyo sadex dumara oo aan la garaneynin waxa ay yihiin. Wararku waxa ay sheegayaan in Dumarkaasi xili habeen ah ay kala baxeen aqaladooda, iyagoona ku ritay gaari nooca raaxada ahaa oo ay wateen.

Falkan cabsida oo lagu yaqaan argagixisada ayaa la ogaaday taas oo laga qaaday talaabo adag laguna bilaabay magaalada baaritaan xoogan iyo habeenkii oo askartu joogto wadooyinka magaalada xeebta ah.
Lama sheegin halka ay la’ aaden dumarkaasi, waxaana la rumeysan yahay in raga afduubka kula dhaqaaqay ay kamid ahaayen Amniyaadka Kooxda.

Dhanka kale, Laba maalin ka hor inta uusan Afduubka dumarkaasi dhicin, ayaa la sheegayaa in maleeshiyaadkaasi ay tageen guryaha haweenkaasi balse ay soo weynayeen

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS