X

Fal kufsi oo laga argagaxay oo dad loogu xidhey Afgooye

“Waxaan shacab weynaha ku nool Shabeelaha Hoose iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in ilaa 18-qof oo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen kufsiga Degmada Afgooye loogu geystay Ilmaha yar ay xiran yihiin. Waana arrin aad looga argagax in gabdho aad u da’ayar loo geysto kufsi, Xaalada gabdhaha yar iyo qoyskana aad baan uga warqabnaa” ayuu yiri Gudoomiyaha Sh Hoose Ibrahim Aadan Cali Najax


Galabnimadii Isniinta oo taariikhdu tahay 30 bishii hore ee March ayey aheyd markii la waayay halka ay jaan iyo cirrib dhigeen Aamino Muuse Axmed oo 3 jir ah iyo Sumayo Cabaas Cumar oo 4 jir ah.

Sida ay qoysaskoodu sheegeen markii cid ugu war dambeysay waxey ku ciyaarayeen illinka hore ee gurigooda oo ku yaallo degmada Afgooye gaar ahaan xaafadda Xaawo Taako.


Sida ay qoysaskoodu sheegeen Markii cid ugu war dambeysay waxey ku ciyaarayeen illinka hore ee gurigooda oo ku yaallo degmada Afgooye gaar ahaan xaafadda Xaawo Taako.

Dadaal aan loo kala harin oo lagu baadi-goobay ka dib maalintii xigtay oo aheyd Talaado taariikhduna ay ku beegneyd 31- March xili fiidnimo ah ayaa mar qura beer ka mid ah beeraha degmada Afgooye laga maqlay sawaxanka iyo oohinta gabdhahan oo halkaas la soo dhigay


Gabadhahan yar yar oo Isbitaal Madiino la dhigay ayaa waxaa jirkooda ka muuqday dhaawaca, waxaa la sheegay inaysan saxaroon karin, dhawaanna ay sugayaan qalliin, si saxarada looga soo saaro, waxaana sidoo kale la sheegayn iney isku furmeen oo kaadidada aysan ceshan karin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.