Dhacdo wuxuushnimo ah ayaa ka dhacdey Muqdisho halkaas oo dadka badankiisu ka anfariireen markey maqleen. Dhacdooyinka wuxuushnimada ee ka dhaca Somaliuya guud ahaan waxa inta badan lagu yaqaan inay fuliyaan kooxda galeynta ee shabaab laakiin midan waxa fulisay goob aan laga fileyn.
Xalay saqdii dhexe ayay ahayd markii hooyo xaamilo ah weliba ugub ah ay timi isbitaal ku-sheeg ku yaala degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho si ay ugu umusho, waxase dhacdey in loo diidey. Gabadhii ugubka ahayd ayaa ku umushey isbitaalka hortiisa.
”Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxman Cusmaan ayaa ka mid ahaa dadkii falkaas wuxuushnimo aadka u cambaareeyay kadibna u fidiyay gabadhaas iyo ilmaheed adeeg caafimaad oo gobolku bixiyo.
”Waa in si adag loola xisaabtamaa dadkaas wuxuushta ah ee gabadha sidaas u galay. Kamana harayno ilaa aan cadaalad u helmnno hooyadaa ayuu yiri Cabdiraxmaan Cusmaan. Waxaan ka codsanayaa hay’adaha amniga inay gutaan hawshooda, waxaan weliba u gudbiyay wasaaradaha caafimaadka inay dib u fiiriyaan sharciyada ka yaaa adeegyada danta guud ayuu raaciyay.
”Abaawe ILAAH aa soo kala saaray ee dadkaan teeno uma dhigan ayay tiri Xaliimo Aweys oo ka agdhawaa hooyada ugubka ah ee cidlada ku umushey.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay