X

Fanaanad hees goosad ah u qaaday Somalilaan oo si gaara loo aflagaadeeyay

Fanaanada Sahra Ilays oo loo dhiibey hees midnimo iyo midnimo diid ka hadleysa iyadna ku qaadaysay qaybta midnimo diidka ah ayaa sheegtay in si xun loo soo aflagaadeeyay. Dadka soo aflagaadeeyay ayay ku sheegtay in ay yihiin xataa kuwo reer Somalilaana oo ay u jeedo ISAAQ ay taqaano.


Dadka inta badan la soo Hadley ayay ku sheegtay inay qabiil ahaan u dhalan u Hargeysa iyo Burco ee ka soo jeedaan qabiilada kale. ”Weligey waan u heesi jirey Somalilaan waanan u qaadi jirey heeso ay ku tilmaantey ”WADANI” ayay tiri Sahra Ilays.


”Waxay igu yiraaheen adigu umaad dhalane maxaa kaa galay Somalilaan kuwa sidaas I odhanaya waa kuwo ka soo jeeda Hargeyasa iyo Burco laakiin waxaan leehay kaalay oo Hargeysa iga dhex qaada oo I geeya halka aad sheegaysaan inaan u dhashay.


Mar la weydiiyay inay kaga googoosan doono inay Somalilaan dambe hees u qaado ayay tiri hadda ayaanba soo wadaa waanan wadayaa. ”Waxaan intaa ku darayaa anigu Sahra Ilays ahaan Koofurta Somaliya waxba kama sheegin kamana sheegi doono waayo waa dadkeyga.

Dadka ka dhiidhiyay heesta ayaa sheegay in qalad loogu dhiibey.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.