X

Sarkaal argagixiso ku weerartey Boosaaso iyo is-rasaasayn qasaare dhalisay

Waxa cadceed dhicii manta is rasaasayn ka dhacdey magaalada xeebta ah ee Boosaaso ee maamulka Butlaan halkaas oo weerar dhicisoobey ay fuliyeen argagixisada nooca ugu xun ee Daacish.


Dhiigmiiratada aan cidi u kala sooneyn ee ku farxa dhiiga farabadan ee ay hal daadiyaan ayaa la sheegay in ay meel luuq ah rasaas uga soo fureen oo magaciisa lagu sheegay Cabdiweli Abshir Cabbaas xilli uu adeeganayay.


Rasaasta fueynimada ayaanan ku dhicin sarkaalka oo isna kadib rasaas kale furey uu ku qaarajo dhiigmiiratada mise durbadiiba cagtey wax ka dayeen iyo hooyo i qari.

Waxase rasaastaas qasaare ka soo gaartey hal oo halkii ku dhintey hal qof oo ka soo jeeda dadka walaalaheena ee Oromada ee ku nool Boosaaso ama raba inay naftooda ku haligaan Carabta cayda. Ruuxan rasaastu haleeshay ayaa ku sugnaa meel aan ka fogeyn goobta is rasaasaytu ka dhacdey.


Dhiigmiiratada nijaasta ee Daacish ayaa Axaddii la soo dhaafay ku diley Boosaaso laba askari kadibna cagta wax ka dayay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.