X

Fanaanadii caanka ahayd ee Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo Carwo) oo saaka geeriyootey

Fanaanadii caanka ahayd ee Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo Carwo) ayaa saaka ku geeriyootey magaalada Hargeysa. Shamis ayaa leh taariikh mugleh oo ka mida taariikhaha fanka Somaliyeed.



Waxay ahayd fanaanad dadkeeda iyo dalkeeda jecel kana mid ahayd haweenkii ugu horeeyay ee soo gala fanaannimada qaybta heesaha iyo jilidda.

Shamis ayaa dadka badankiisu u yaqaanay hooyadii fanka Somaliyeed. Waxay aad uga xumaatey waraysiyo ay bixisay sida ummada Somaliyed ku sugan tahay burburka kadib.



Inaa lilaah waa inaa ilayhi raajicuun

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.