X

Raiisal wasaaraha Malaysiya oo Muslimiinta ugu baaqay inay diidaan talaabada xagjir Trump

Raiisal wasaaraha Malaysiya ayaa Muslimiinta ugu baaqay inay diidaan talaabada xagjir Trump uu Yuhuuda ugu sameeyay magaalo ay ka dhigtaan caasimad.

Jaahil Trump oo Muslimiinta aad u neceb laakiin jecel kaliya shaqsiyaadka lacagta leh ayaa shalay sheegay inuu Yuhuuda u sameeyay caasimad taas oo ah Al-Qudus.



Wadamada Muslimiinta oo uu hogaamiyo Erdogan ayaa ku baaqay shir deg dega oo laysugu yimaado 13 bishan si looga arinsado talaabada xagjir qaaday.

Carabta ayaa kulan wasiir arimo dibadeed oo diciifa iyaguna ku baaqay inay Sabtida isugu yimaadaan. Carabta waxa gacanta ku haya Trump halka caaqilkooda ugu weyn ee Sucuudigu uu ka shaqaynayo halkii uu Muslimiinta dhexdooda dab u kala dhex dhigi lahaa.



Raiisal wasaaraha Malaysiya Najiib oo ka hadlayay arinta xagjir Trump ku dhawaaqay ayaa sheegay inay Muslimiintu muujiyaan inay diidan yihiin lamase iman sida ugu wanaagsan ee xadhkaha loogu goyn karo Trump.

Sida ugu wanaagsan ayaa ah inay xiriirka u jaraan kuna soo rogaan cunaqabatayn dhaqaale, waxadse iswaydiin kartaa maka suurtowdaa sida dalalka qaarkood ugu hoos noolyihiin Trump.



Iiraan ayaa iyadna sheegtay in Trump aanu waxna ka bedeli Karin dhulna siin Karin Yuhuuda si kasta oo uu u jecelyahay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.