X

Fanaanadii weynayd ee Khadiija Dalays oo Kanada ku geeriyootay

Fanaanadii weynayd ee Khadiija Dalays ayaa Kanada ku geeriyootay. Allaha u naxariistee Khadiija Dalays ayaa ka mid ahayd gabdhihii ugu horeeyay ee fanka Somaliyeed kaalinta laxaadka leh ka qaadatey.



Burburkii dalka ayaa Khadiija u dhooftey dalkaasi Kanada halkaas oo ay ku nooleyd kana qayb qaadan jitey guubaabada shacabka Somaliyeed oo lagu yaqaanay.

Khadiija ayaa fankeedu aad u kala duwanaa waxase dhinaca heesaha ay ku caan ahayd heesaha wadaniga ah iyo wax soo saarka. WAxay ka dhinaca ka qayb qaadatey ruwaayado badan.



Fanaanada ayaa mudooyinkii u dambeeyay ku jirtey isbitaal.

Fanaaniinta Somaliyed ayaa tacsi ka direy geerida Khadiija Dalays.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

 

 

admin:

This website uses cookies.