X

Xaafad ka tirsan Muqdisho oo saaka dadku wadada ku arkeen arin ka yaabsiisey: SAWIRO

Xaafad ka tirsan Muqdisho ayaa saaka dadku wadada ku arkeen arin ka yaabsiisey oo naxdinteeda leh. Xaafadaha Hawlwadaag, gaar ahaan kuwa ku dhaw Xarunta Degmada ayaa lagu arkey  xoolo la gowracay.

Dadka degaanka ayaa arkay in ka badan 6 neef oo Ari ah, kuwaasi oo qoorta inta laga gowracay lagu arkay jidcadyaasha xaafadaha Hawlwadaag.



Waxa ay sheegayaan dadka inaysan garan karin cida gowracday xoolahan ee wadooyinka sidaasi ugu tuurtay, kadibna ka tagtay, iyadoo illaa hadda la iswaydiinaayo. Dadka xaafada ayaa ka yaaban sida waxishnimada ah ee loola dhaqmey xoolahan.



Dhacdadaan ayaa ah mid naadir ku ah Degmada Hawlwadaag, maadaama dadka aysan horay u arkin arin noocaan oo kale ah oo sidaan xoolaha loogu galay.

 

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 


admin:

This website uses cookies.