Waxa sanadkii milaadiga ee inaga Somalidu isticmaalo dunida ka hoyday fanaantii qaranka kuwooda loogu jeclaa. Waxana u dambeeyay fanaankii weynaa Cabdi Cali Bacalwaan oo isagu bishii u dambeysay ee sanadka ku geeriyooday dalka Jarmalka.
Cabdi Cali Cali Bacalwaan ayaa ahaa wadani asala waxana lagu xasuustaa ruwaayado farabadan oo xilligoodii aadk aloogu jeclaa. Waxaanu ka maqnayn dhinaca wadaniga oo aad loogu jeclaa. Allha u naxariisto.
Haddaba hoos ka eeg fanaaniinta qaranka kuwooda sanadka hore hoyday. Fanaaniintan ayaan u baahneyn sharaxaad in laga bixiyo.
Waxa bishii Abril 14-keeda magaalada Muqdisho ku geeriyooday madaalihii Hoballada Waabari Cumar Cabdulle Shooli oo ahaa fannaan safka hore kaga jiray fannaaniinta sida weyn loo jecel yahay luqdooda iyo waliba heesahooda intaba.
Waxa bishii Juun 5-teedii magaalada Muqdisho ku geeriyooday Alle ha u naxariistee mid ka mid ah tiirarkii Qaranka gaar ahaan marka la eego dhinaca fanka Cabdi Tahliil Warsame oo muddo dheer xanuunsanaa.
Waxa bishii Oktoobar 19-keedii 2020 magaalada Muqdisho lagu aasay fannaanidii weyneyd ee Hoboladda Waabari Seynab Xaaji Cali Baxsan oo waayadii ugu danbeeyay xanuunsaneyd.
Waxa bishii Jeenawari 24-keedii 2020 waxaa magaalada Jigjiga ku geeriyooday Alle ha u naxariisteen Mulaxankii weynaa ee Soomaaliyeed Daa’uud Cali Masxaf oo ahaa laxamiiste siweyn looga garanayay gayiga Soomaaliya oo idil.
Waxa bishii Abril 8-deedii 2020 isbitaal ku yaala magaalada London ku geeriyooday Maxamuud Ismaaciil Xuseen ( Xudeydi) oo ahaa abwaan dhinacna ahaa laxamiiste ku caana dhinaca kabanka waxaana uu ku muteystey magaca “Boqorkii Cuudka”inkastoo uu baray kabanka Cumar Subagle.
Alle naxariistii jano haka waraabiyo dhamaantood
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS