X

Fanaanka Cawaale Aadan Hargeysa miyaa loo sheegtay iyo jawaab uu bixiyay

Fanaanka reer Jabuuti ee hadda ku nool Kanada Cawaale Casri ayaa dhawaan la filayaa inuu Hargeysa yimaado una dhaafo Boorama oo uu ka heli doono soo dhaweyn balaadhan. Waxase fanaanku jawaab ka bixiyay dad Hargeysa u sheegtay oo leh wuxuu caayay Somaliland.

Cawaale Aadan ayaa sheegay in inta fanaaniinta Somaliland Jabuuti tagayaan uu isna tagi doono Hargeysa.


Jawaabta Cawaale ayaa sidan u qornaa:

1-Waxaay dhaheen cawaale Somaliland buu aflagaado u geystay? Dee wakhtigan wakhtigii been abuurka waa laga tagee oo wax is qarin karaba ma jiree, video amaba cod arintaas aad ku cadayneysaan dadka la wadaaga Ha la idin la arkee. Hadii kale waa been abuur aad ku awr kicisanaysaan.


2- waxay dhaheen, hargeysa ma iman karo oo anagaa mabnuucayna.
Ma xumo fikirkaasiyee, balse ma ka fikirteen, fanaaniinta Somaliland in Djibouti eey imaadaan oo la soo dhaweeyo oon hal qof ku mashquulin? Mase is weeydiiseen, dalkaas la idinka soo dhaweeyo wakhtigan maanta ah xidigoodii calanka u siday ayaan been abuur ku xumayneynaa, kuwayaguna waa iska tagayaan Djibouti, ineey adkaan doonto?

3- waar anigu warkeeygu sida dharaartuu u cadyahay, hadii Somaliland iska daaye gayi Somaliyeed aan wax ka sheego barina ku kalaan wax ka sheegi oo u daahi maayo, bulshaduna iga yeeli meeso xatta qofka aan Somaliland ka iman ayaan iga yeeleen oo waa anshax xumo, hadii cadayn teeda la keeno waxaa igu Walaahi ah oo ugu bilaahi ah inaan raali galin ka bixiyo bulshada weeyntana ka raali galiyo, hadaan la hayn oo dee been la dhaboolaqay eey tahay, dee raganimo haday jirto raali galin baan idinku leeyahay oon idiin ka fadhiya, iskuna noqda oo wakhtigiina qaata.


4- anigu fankeeyga somaali oo dhan buu dhexeeya, waanan ku kalsoonahay fankeeyga wax kale oo ii raaca oon ku kabo ma jirto (qabyaalad iyo dad kala sooc, wixii la hal maala) Somaliland waxay ka mid tahay bulsha weeynta Somaliyeed de fankayga abaalka ku leh aan kuna qadariyo, af aan bulsho dhowr milyan ah ku caayana iguma yaalo.

5- waxaan ahay nin jabuuti ku dhashay kuna koray, dadka aad qadiyad ahaan xatta wax ka sheeganaysaan jabuuti kuma jirto, qadiyad kuma haysano, cadayn aflagaadadaas ahna ma hayno, waanan kugu mashquulaynaa oo magaalada anagaa leh, dee arinkaasi mid aan yeeli doono amase sidaad moodaaysaan arintu weey ka weeynaan doontaa, dee ama waad iga garbaxaysaan oo somali Maxamad oo dhan hortooda waxaan balan ku qaadayaa in hadii cadayn la keeno run ah, aan raali galin buuxda ka bixiyo, hadii kale dee waa anagaa iska leh oo dee aniguna tani aan dhex joogaan leeyahay.


6- ugu danbayn anigu dad tiro yar magaalo soomaliyeed uqdad uugu qaadi maayo, kuna aflagaadayn maayo, oo magaalada ma matalaan balse waxaan jeclaan lahaa sida aanu fanaaniintiina ka yeelno inaad xidigaha yagana la yeeshaan, gobonimo iyo Milgo ayaanu ku soo dhoofinaa, ee gobonimadii iyo milgadii ayaanu idinka mudanahay.


Waan imanaya hargeysa, mana aha markii uugu horeyseen tago, noqona mayso markii uugu danbeyseen tago insha Allah, inta fanaan hargeysa ka imanayo ee uu jabuuti imanayo….. dabcan jabuutina fanaan baa ka tagi oo hargeysa tagi.
Maalintu ha idiin wacnaato.

Soo akhrintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.