X

Samir intan leeg ma yeelan kartaa: nin shimbir u gashay mishiinka gaadhiga

Bahaatin waa nin Turki ah oo ku nool magaalada caasimada ee Ankara, wuxuuna nolol maalmeedkiisa ka soo saaraa gaadhi is-jiida oo nooca yara. Mudadii lagu jirey bishii barakaysnayd ee Ramadaan ayuu iska dhigey gaadhiga si uu u cibaadeysto.

Soonkii kadib ayuu furey mishiinka gaadhiga si uu u eego inta aanu daarin mise waxa shabag dhex-dhigatey shimbir kuna dhashay, waxana ku dhex-jira sadex ukuna oo u diyaara inay dilaacaan.


Bahaatin wuxuu go’aansadey inaanu daarin gaadhiga si ukuntaas u badbaadiyo. Wuxuu la tashadey jaarka iyo asxaabta waxayna u sheegeen in ukuntu caadiyan dilaacdo 15 cisho.

Waxaan go’aansaday inaan iska sugo mudadaa ayuu yiri Bahaatin, waxayse igu qaadatey 45 cisho in ukuntaasi dilaacdo oo shimbirihii ku jirey duulaan ana gaadhigii aan daaro ayuu raaciyay.


Waxa aad u amaaney samirka ninkaas dadkii ogaa.

Siduu isku dabari jirey mudada uu xanibnaa

Bahaatin ayaa sheegay in mudadaas dheer uu beertiisa ka shaqayn jirey caruurtiisana la joogey. Gabadh uu dhalay ayaa iyadu aad u mahadisay shimbirta shabaga dhigatey gaadhiga.


Waxayna tiri ”waxa farxad ii ah in aabahayo nala joogo muddo intaas leeg waayo aabahayo waxa dhacda inuuna soo hoyan todobaadyo oo aanu arag maadaama shaqadiisu tahay inuu alaabo ka qaado magaalo geeyana magaalo kale.

Dhaqaalaha guriga


Bahaatin oo wax laga weydiiyay siduu wax u maareeyay maadaama aanu shaqayn 45 maalmood ayaa ku jawaabay in mudadaas aanu kaxayn gaadhiga aanu dareemin hoos u dhac dhinaca dhaqaalaha ah.

Soo akhrintii Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.