November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Fanaanka Nimcaan Hilaac oo boos loo magacaabay

Fanaanka Nimcaan Hilaac oo ka mid ahaan fanaaniinta kooxda xidigaha geeska ee Hargeysa laakiin mudooyinkii u dambeeyay kaligii iska shaqaysan jirey ayaa boos loiga magacaabay wasaarada warfaafinta.



Wareegto ka,soo baxdey xafiiska,wasiirka warfaafinta ee dawlada,Somaliya ayaa lagu sheegay in Fanaanka Nimcaan Hilaac loo Magacaabay Agaasimaha Waxsoo-saarka iyo Howlgelinta Fanaaniinta Qaranka ee Hobolada Waaberi.



Talaabadan ayaa dhiirigelin u noqonaysa dadka dhalinta u badan iyo weliba kicinta dhalintaas oo u baahan jihayn wadaninimo. Fanaanka oo reer Awdala ayaa maamulka Somaliland ee magaalada Boorama dhowr mar isku dayeen inay xiraan maadaama uu tagey Xamar.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS