Fanaanka Nimcaan Hilaac ayaa gudoomiyaha Banaadir iyo wasiiro kala qaybgalay soo dhaween loogu sameeyay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Degmada ayaa samaysantey dagaaladii kadib.
Guddoomiye Taabit ayaa booqashadiisa waxaa ku weheliya Wasiirka Amniga gudaha ee xukuumada Soomaaliya, xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada.
Wafdigan ayaa kormeeray xarumo ku yaalla degmadaas oo ay ka mid yihiin isbitaalka weyn ee Dayniile, xarunta maamulka degmada, saldhiga Booliska iyo xaafado mid ah degmadaas.
Masuuliyiinta Maamulka degmada, waxgarad iyo qeybaha bulshada ayaa wafdigan si diiran ugu soo dhoweeyey degmada dayniile oo maanta amaankeeda si weyn loo xoojiyey jawigeedana uu ku bedelnaa sidii hore.


C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay