13/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Fanaankii Shay Mire Dacar oo Hargeysa ku geeriyooday

Waxaa galabta Magaalada Hargeysa  ku geeriyooday Allaha u naxariistee fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Shay Mire Dacar.

Waxaa geerida fanaanka Shay Mire Dacar u xaqiijiyay BBC-da walaakiis Caabi Mire Dacar oo isna fanaan ah.

Wuxuu sheegay in mudaba uu xanuun u jiifay Shay Mire Dacar gurigiisa oo magaalada Hargeysa ku yaalla.

Shay Mire Dacar wuxuu ka bilaabay fanka magaalada ceerigaabo sanadihii sideetameeyadii, kaddibna wuxuu u gudbay magaalada Boosaaso.

Intii danbe wuxuu ku noolaa Hargeysa oo uu heeso iyo bandhig faneedyo badan ku sameeyay oo qaarkood uu ilaa London kaga qayb galay todobaadka Soomaalida.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun