X

Faransiiska iyo Swizerland oo u soo gudbey wareega labaad ee koobka qaarada Yurub yaase hadhay

Xulalka Faransiiska iyo Swizerland ayaa u soo gudbey wareega labaad ee koobka qaarada Yurub oo si toosa uga socda Faransiiska. Ciyaartii xalay ayaa u ekayd mid labaduba soo gudbeen oo markaasi ayna jirin xalad sidaa u badan oo ay leedahay.

Waxase si toosa u hadhay Romaniya oo ay ka badisey Albaniya oo iyagu dhaliyay goolkii ugu horeeyay e ay ka dhaliyaan ciyaaro caalami ah inta dalku jirrey.

Lama hubo in Albaniya si toosa u hadhay waayo waxa dhici karta in ay ku soo baxaan ciyaar wanaag kuna soo baxaan sidaas. Caawa ayaa waxa daawaha saaran xulalka Ingiriiska iyo Slovakia. Ingiriiska ayaa isagu soo baxay waxayna y=u baahan yihiin kaliya barbaro halka Ruushka iyo Wales iyaguna aan hubin oo ay ciyaar doonaan ciyaar adag.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.