X

Mudaharaad balaadhan oo gilgiley Berbera maxayse dadku diidan yihiin

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa sheegaya in saaka aroortii hore uu magaalada Berbera uu ka bilaabmey mudaharaad ballaadhan, kaasi oo taayiro lagu gubey waddooyinka halbawlaha ah ee magaalada Berbera.

Boqollaal dadweyne ah oo ka cadheysan wareejinta dekedda Berbera ayaa saaka iskugu soo baxay waddooyinka halbowlaha ah ee magaalada Berbera, dadkan ayaa aad u cadhaysnaa.

Banaanbaxan ayaa imanaya iyadoo halkaasi uu shaley ay soo gaadheen magaalada Berbera wefdi farsamo yaqaanno ah oo kormeer indho-indheyn ah ku sameeynayey dekedda Berbera.

Ma jiro wax dhimasho iyo dhaawac ah oo uu sababey mudaharaadkaasi,waxaana dadkii mudaharaadka kala dareeriyey ciidamada booliiska degmada. Ciidanka dab damisku ayaa ku hawlan yihiin bakhtiinta taayiradii la gubey.

Maxamerd Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.