X

Faransiiska oo garaacay Kurueeshiya kuna guulaystey koobka aduunka

Faransiiska ayaa garaacay Kurueeshiya kuna guulaystey koobka aduunka markii labaad. Faransiiska ayay ka fadhidey ciyaarta qaybteedii hore waxana weerar joogta ah waday xulka Kurueeshiya oo muujiyay karti dheeraada.


Kurueeshiya oo ka soo go’day dalkii hore ee Yugaslafiya ayaa soo saftey ciyaaryahano aad u da’yar oo la soo baxay firfuircooni dheerada laakiin taas kuma ayna keenin inay goolal ku dhaliyaan.


Faransiiska oo soo safay ciyaaryahan iska dhala waaliodkoodna ka yimi Afrika galbeed iyo ta Woqooyi ayaa adkeysi kadib garaacay Kurueeshiya.

Labada guul ee guusha ayaa waxa keenay Pogba oo ka ciyaara Ingiriiska iyo ciyaaryahanka aabihii yahay Kamaruun ee Mbappe oo goolka quusgoynta keentay.


Waxa ciyaartan daawanaayay madaxweynaha Faransiiska iyo martigeliyaha Ruushka Putin. Ruushka ayaa lagu amaanay martigelinta ayadoo dhinaca amniga aad loo adkeeyay ayna dhicina wax rabshado ah.

Tababaraha xulka Faransiiska ayaa isna ka mid ahaa xulkii u horeeyay ee Farassiiska u qaada koobka aduunka sanadii 1998.

Rashii=d Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.